Abaabul lagu afgembinayo Axmed madoobe oo ka socda Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirar ka socday in muddo ah Muqdisho iyo Nairobi ayaa markaan la doonayaa in laga dhabeeyo oo la inqilaabo madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)

Siyaasiyiin, xildhibaano iyo mas’uuliyiin katirsan Dawladda federaalka ah ayaa waxay wadaan qorshahaan oo ay ka bilaabi doonaan gobolka gedo.

Dad lagu kalsoon yahay waxay sheegeen in gulufkaan uu daaran yahay marka hore in lagu xoreeyo Jubbada Dhexe oo inkabadan 10 sano kooxda Al shabaab ka talinayaan.

Ciidamo badan ayaa la diyaarinayaa oo ka dhaqaaqi doona dhowr jiho kuwaas oo awoodooda iskugu geyn doona sidii loo xoreyn lahaa dhulka Shabaabka kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo Arbacada berri laga sugayo inuu kasoo dego Muqdisho ayaa qeyb ka ah dadka hogaamin doona gulufka dagaal ee ka bilaabanaya gobolka Gedo.

Oomaar ayaa waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta iyo dadka kasoo jeeda jubbaland inay ka qeyb qaataan bad baadinta Jubbaland oo muddo 10 sano ka badan Axmed Madoobe ka taliyo balse maamulkiisa dhaafi waayey Kismaayo iyo Afmadoow.

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Cusub Ee Kenya William Ruto uu arinta Jubbaland uxilsaaray Wasiirkiisa Gaashaandhiga Aadan Barre Ducaale,iyadoo la og yahay in Aadan iyo Axmed Madoobe xurguf ka dhex jirtay in muddo ah.

Mr Ducaale ayaa waxa uu wadaa qorshe Jubbaland madaxweyne Axmed Madoobe meesha looga saari lahaa,iyadoo Axmed Islaam uu dhawaan ka rartay qoyskii ka degganaa Nairobi oo guri ka iibsaday Dubai halkaasina uu dejiyey.

Siyaasada Soomaalida ayaa ku dhisan dano gaar ah iyadoo qofkii laga waayo wixii aad ka dooneysay uu qasab ku noqonayo in kursiga la dhaafiyo,waxaana hadda Axmed Madoobe oo Kenya saaxiib la ahaa maamulkii Uhuru Kenyatta hadda wajahayaa colaadin dhinacyo kala duwan ah oo in meesha lagu dhaafiyo la qorsheenayo.

Lama oga sida uu uga gaashaanto Axmed Madoobe mowjadaha siyaasadeed ee ku furmaya dhawaan ee la rabo in kursiga looga tuuro,xilli Dawladda Federaalka soomaaliya wax ka og tahay kacdoonkaasi Jubbaland la rabo waxaana loo wadaa in Madaxweynaha cusub Jubbaland laga dhigo Senetorka Aqalka sare katirsan ee C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyadoo Madaxweyne kuxigeen noqon doono sida la filayo hadaysan wax isbadelin Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.