Abaabulka Banaanbax ballaaran oo Maanta ka socda Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa in Banaanbax ballaaran uu ka dhaco magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan Garoonka kubada caggta ee Injineer Yariisow.

Banaanbaxa la filaayo inuu Muqdisho ka dhaco ayaa waxaa ku dhawaaqday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in banaanbaxa ka dhacaya Muqdisho uu yahay mid looga horjeedo dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana lagu taageerayo guulaha dowladda ka gaartay howlgalada ka socda Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wada abaabulkii ugu dambeeyay ee qabsoomida banaanbaxa oo saacadaha soo socda la filayo inuu ka bilowdo Garoonka kubada caggta ee Injineer Yariisow, oo ay tagi doonaan dadweyne farabadan oo ka qeyb galaya.

Mas’uuliyiinta, shaqaalaha dowladda iyo kuwa Maamulka Gobolka ayaa ka qeyb geli doonaan banaanbaxa ballaaran ee ka dhacaya Muqdisho, isla markaana lagu taageerayo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hormarada iyo guulihii ay ka gaartay dagaalka Al-shabaab.