Abaabulka Dagaal ee Al-shabaab iyo is qab-qabsiga Siyaasiyiinta ee dhanka doorashada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo Jimco ah ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab waxay qabsaday Xerada Hiil-weyne oo qiyaastii 25 KM u jirto magaalada Muqdisho, sidoo kale u dhow degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Al-shabaab oo dagaal kula wareegay Xerada ayaa dilay 3 Askari iyo Sarkaalkii la joogay, waxayna ka qaateen hubkii ay wateen, iyagoo ugu dambeyn ka baxay Xeradii ay qabsadeen ee Hiil-weyne.

Sidooklae maalmihii la soo dhaafay ayaa Al-shabaab waxaa ay kordhiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan oo ay wadeen waxayna saacado kooban qabsadeen degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan iyo degaanka Ceeldheere oo 30 KM u jira Dhuusamareeb.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa aad ugu mashquulsan doorashooyinka dalka ka socda, iyagoo meel iska dhigay la dagaalka iyo weerarada lagu qaadi jiray Al-Shabaab.

Askarta dowladda ayaa sidookale ku milmey siyaasadda iyo doorashadda dalka ka socot, waxaana loo adeegsadaa cabsi gelinta Musharaxiinta Mucaraadka iyo kuwa ka soo horjeeda soo laabashada Farmaajo, sida ay Musharaxiinta Mucaaradka horey u sheegeen.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelan karto hormaraddii laga sameeyey la dagaalanka Al-shabaab oo mar hore lagu qaadi jiray iyo weerada joogtada ahaa, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalamayaasha Al-shabaab ay dib u qabsan karaa Magaalooyinka hada ku jira gacanta dowladda.