Abaar aan horey loo arag oo laga soo sheegayo galbeedka Mareykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Abaar aan hore loo arag ayaa laga soo sheegayaa galbeedka Mareykanka, waxaana tiro meydad ah lagu arkay harooyinka halkaas ku yaalla oo biyahoodu uu hoos u dhac ku yimid, balse waxaa loo maleynayaa inay jiraan sababo kale oo ka daran. Waa maxay dhibaatooyinka ka dhashay baartaas?

Gobolka Arizona, meel u dhow xadka gobolka Nevada, isla markaana aan ka fogeyn Las Vegas, iyo Harada Mead, oo la sameeyay kaddib dhismihii Biyo-xireenka Hoover, ee Webiga Colorado, waxaa ku taalla harada ugu weyn Mareykanka ee Mead.

Harada, oo biyo siisa ilaa 25 milyan oo qof oo ku nool saddex gobol oo Mareykanka ka tirsan iyo Mexico, ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac baahsan oo biyaha ah, meelaha ku hareereysan ayaa sidoo kale qallalay.

Hoos u dhaca biyaha ee harada ayaa waxay soo saareen meydad lagu tuuray harada oo qaarkood xabbad lagu dilay, iyadoo dadka dilka geystay la sheegay inay u maleynayeen in meydadka ay halkaas ku qarsoomayaan weligoos, balse abaarta ayaa wax ka beddeshay arrintaas.

Iyadoo meydadka harada ay soo tuftay ay tooshka ku ifiyeen taariikhda burcadda hubeysan ee Las Vegas gang, haddana khubarrada biyaha ayaa ka digaya in mustaqbalka la wajahayo xaalad adag, haddii ay hoos u sii dhacaan biyaha harada heer aysan suurto gal ahayn in Biyo-xireenka Hoover Dam uu dhaliyo korornto, amaba uu biyo siiyo bulshooyinka ku tiirsan.

Dowladda ayaana dadka deggan California ugu baaqday inay keydsadaan biyaha si aysan u saameyn gabaabsiga biyaha, iyadoo abaarto ay ka sii dari doonto xilliga xagaaga.

Beeralleyda Mareykanka ayaa haatanba la daalaa dhacaya saameynta abaarta, kaddib markii ay hoos u dhaceen biyaha Harada Mead, oo ay boqolkiiba 75 u isticmaali jireen waraabka beeraha.

In ka badan saddex meelood meel khudaarta Mareykanka waxay ka soo go’daa California, balse dhul ballaaran ayaan haatan waxba lagu beerin maaddaama beeralleydu aysan helin biyo ku filan.

Mid ka mid ah beeralleyda oo lagu magacaabo Bill Dildrich ayaa BBC-da u sheegay in saameynta sanadka soo socda laga arki doono keydadka biyaha, wuxuuna BBC-da la wadaagay qeyb ka mid ah beertiisa oo uu doonayay inuu yaanyo ku beero balse uu biyo u waayay.

Beeralley badan oo ku nool California, oo ku tiirsanaa ceelasha, ayay taabatay saameynta abaarta, iyadoo ceelashaas ay qallaleen, isla markaana qodidda ceelal kale ay u baahan tahay lacag aad u badan.

Meelaha qaar ee gobolka, dadka ayaa ka cabanaya biyo la’aan, waxaana ka mid ah nin magaciisa ku soo koobay Fabian, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay in qoyskiisa oo ka kooban shan ruux ay ku tiirsan yihiin fuustooyin biyo ah oo ay soo iibsadeen, isagoo ka shallaayay inuu u soo guuray meel miyi ah oo ay ka jirto biyo la’aan daran.

BBC