Abaaro daran oo laga soo sheegayo ‘Buula-berde’ xili ay go’doomiyeen Al-shabaab.

ABAARAHA SOOMAALIYA

MUQDISHO-AYAAMAHA-Iyada oo ay magaalooyinka qaar ay ku jiraan xaalad go’doomin ah, ayaa haatan waxaa ugu sii darsamay qulqulka barakacayaasha ka soo cararaya abaaraha daran ee ka jira dhulkii ay deganaayeen, kuwaas oo raadinaya meelo ay ku badbaadaan.

Magaalada Buula-berde waxa go’doomiyey sagaalkii sano ee ugu dambeeyey kooxda Al-shabaab, waana meelaha ugu daran ee haatan ay abaaruhu u saameeyeen sida ugu adag. Magaalada oo markii horeba la tiicaysay qiimaha sarreeya ee raashinka, ayaa haatan waxaa ugu darsamay inay magaaladu martigelinayso barakacayaal tiro badan.

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in abaarta ka jirta Soomaaliya la diiwaan-geliyay inay ku barakaceen in ka badan 800,000 oo qof, kuwaas oo u badnaa bulshada xoola dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda ah. Arrintan ayaa uga sii dartay bulshada nugul oo markii hore la tiicayey xaalado amni xumo iyo mid bini-aadanimo.

Guddoomiyaha degmada Buulo-burde Axmed Mahad Nuur, oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xaalad adag ay ku jirto Buulo-burde, ayna sababtay go’doominta kooxda Alshabaab iyo abaaraha baahsan ee gobolka ka jira.

Waxa uu tilmaamay in magaalada Buulo-burde aysan laheeyn goob loo soo marsiiyo gargaar bini’aadannimo, ayna u dheertahay in ay le’deen xoolihii ay ku tiirsaneeyd magaalada Buulo-burde, sidoo kalana afartii bil ee lasoo dhaafay ay soo gaareen Barakacayaal badan.

Guddoomiyaha oo si hadlayay ayaa sheegay in magaalada Buulo-burde ay kajirto macaluul baahsan, sidoo kalana dadkii soo barakacay iyo dadkii degaanaa Buulo-burde aysan waxba isdhaamin noloshuna ku adagtahay..