Abiy Ahmed oo si ka duwan sidii la filaayey ugu hadlay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd gaaray magaalda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waa safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo intii dib loo soo doortay.

Waxaa safarkaasi dhankiisa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay Socdaalka Xasan Sheekh.

“Itoobiya waxay si diirran kuugu soo dhawaynaysaa socdaalkan shaqo ee labada maalmood ah” ayuu bartiisa Twitter kusoo qoray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kadib markii uu garoonka kusoo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay dagaallo ka dhan ah Al-shabaab ay kasocdaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyada oo magaalooyin iyo deegaanno dhowr ah laga saaray Al-shabaab.