Abiy Axmed oo farriin ka soo diray furinta hore ee dagaalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu arkay safka hore furinta dagaalka maalmo ka dib markii uu sheegay in uu dagaalka hoggaamin doono.

Dowladiisa ayaa maanta shaaca ka qaaday tallaabooyin lagu xaddidaya tebinta wararka colaadda xilli lagu soo waramaya in Tigreega ay ku sii dhaw yihiin caasimadda.

Digniin ay dolwadda u dirtay warbaahinta ayaa lagu sheegay in lagu mamnuucay tebinta wararka la xiriira dhaqdhaqaaqa milatariga iyo furimha dagaalka. Waxaa warkaasi la tabin karaa oo kali ah marka ay dowladdu ansixiso.

Warbaahinta dowladda ayaa maanta tustay muuqaalka ra’iisal wasaare Abiy oo ku sugan tuulo ku taalla gobolka Canfarta isagoo ku lebbisan dhar milatari.

Wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ayuu ku sheegay in ciidammadiisa ay deegnno dhor ah ah dib u qabsadeen.

Abiy ayaa sheegay in Itoobiyaanka ay u baahan yihiin “inay naftooda u huraan xoreynta dalkooda.”

“Cadowga nalama tartami karaan” ayuu yiri Abiy.