Abiy Axmed Oo Farriin U Soo Diray Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Xasan Sheikh

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu xaley ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Abiyu wuxuu sheegay in uu si dhaw uu la shaqeyn doono madaxweynaha cuusb, ayna iska kaashan doonaan doono arrimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.

Hadalkan ayuu ku sheegay farriin uu Abiy soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Xasan Sheekh ayaa helay 214 cod halka Farmaajona uu helay 110 cod. Waxaa codeysay 327 xildhibana ee labada aqal ee baarlamaanka.

Waxaa doorashada u tartantay in ka badan 30 murashax uu ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag.