Abiy Axmed oo ku hanjabay inuu qoran karo hal milyan oo dagaal-yahano

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada dalkiisa ee gobolka Tigray aysan ka dhigneyn in dowladda ay ku guuldareysatay dagaalka.

Wuxuu sheegay in dagaalka muddada 8 bilood ah socday lagu wiiqay ciidamada Tigray ee ay hormuud u yihiin xooggaga TPLF.

Abiy oo maanta khudbad ka jeedinayay baarlamaanka ayaa sidoo kale xusay in ‘ciidamada Itoobiya ay awood u leeyihiin in dagaal kale ay qaadaan balse loo baahan yahay ilaalinta amniga si Itoobiya loo horumariyo.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka ugu habboon uu ahaa in ciidamada lagala soo baxo Tigray maadama uu ahaa qorshe muddo bil ah soo socday.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray.

Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.

TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”.