Abwaan Cabdikariin Faarax Jiir oo geerigooday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Allah u naxariiste Abwaankii Weeynaa ee Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir, kaas oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay.

Abwaanka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer oo uu la jiifay xanuunka dhanka Wadnaha ah, balse ugu dambeyn uu Maanta u geeriyooday.

Alle ha u Naxariistee Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir ayaa ahaa Abwaan iyo laxamiiste, kasoo qeyb qaatay horumarinta Fanka xilligii barisamaadkii, waxanaa hadda uu katirsanaa Madaxda Hobolada Qaranka Waaberi.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Abwaan Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir.