Abwaan Hadraawi oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Naasir Yuusuf Daahir oo ah Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Jamhuuriyada iskeed ugu dhaaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Sidookale Qaar kamid ah Ehelladiisa ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Abwaankii waynaa ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, iyaga oo sheegay in dhawaan la Aasi doono.

Abwaanka ayaa dhowaanahan xanuunsayay wuxuuna laf-dhabar u ahaa suugaanta Soomaalida, oo sameeyay heeso badan oo caan baxay, waxyaabaha lagu xusuusto waxa ka mid ah socdaalkii nabadda ee ku maray inta badan gobollada Soomaaliya burburkii dowladda kaddib.

Wuxuu ka qeyb qaatay silsilado maanso, si aad ahna wuxuu uga soo horjeestay dowladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya. taariikhdiisa iyo dhacdooyinka lagu xusuusto noloshiisa ayaan halkan dhowaan idinkula wadaagi doonnaa.