Abwaan Sooraan Oo Ku Geeriyooday Burco iyo Dowladda Somalia Oo Ka Hadashay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa Goor dhow ku geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo siweyn loo yaqaanay deegaanada Soomaalida.

Abwaan Sooraan Ismaaciil ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, waxaana xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Burco oo uu ku jiray.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geeriday Majaajiliiste Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo ka mid ahaa jilayaasha caanka ah, kaas oo ku geeriyooday magaalada Burco.

“Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan.. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Sooraan wuxuu ahaa abwaan hal abuure ah, wuxuu kaloo ahaa madadaaliye xirfadiisu sarayso.Riwaayadaha iyo filamada uu sameeyo ay ka tarjumaan waaqaca nololeed ee bulshada.