Afar arrin oo sabab u aheyd in madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doorto

MUQDISHO-AYAAMAHA-Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisiyooni ayaa aheyd mid taariikhi ah taa oo lagu doortay madaxweynaha 10-aad ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadaba afartan sabab ayaa saldhig u ah in dib loo doorto Xasan Sheekh:

1: Xasan Sheekh waxaa ololihiisa doorashada ka shaqeynayay 13 Xildhibaan oo daacad u ah iyadoo xisbigiisa ay galeen olole ka duwan midka ay wadeen musharaxiinta kale.

2: Ra’isul Wasaare Rooble  ayaa dhisayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo RW Rooble uu si toos ah ula hadlayay Xildhibaanada Labada Aqal islamarkaana uu ula kulmayay habeen iyo maalin.

3: Guusha Xasan Sheekh waxaa sidoo kale sabab u ahaa xildhibaanada lasoo xulay oo u badan kuwa isbadal doon ah islamarkaana aan la dhacsaneyn Farmaajaha waqtiga ka dhamaaday.

4: Waxaa sidoo kale sabab u ahaa Guusha Xasan Sheekh dhamaan musharaxinta kale oo codadka ugu shubay kadib markii ay u gudbi waayeen wareega 3-aad.