Afar caqabad oo Deni sugaya marka uu ku noqdo Puntland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xilligiisii ololaha doorashada wuxuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Deni isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaddib markii Deni oo ku sugan Muqdisho uu sameeyay magcaabid xubno xilal loo dhiibay, arrintaasi oo uu ka biyo-diiday Axmed Karaash oo isaguna soo saaray war qoraal ah oo uu arrintaas gaashaanka ugu daruuray.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo wasiir ka soo noqday Puntland iyo Xukuumadda Federaalka ah ayaan wax ka waydiinnay howlaha hor yaalla Deni. Wuxuu yiri:

“Waxaa hor yaalla Madaxweynaha xukuumaddiisa iyo baarlamaanku in ay dib u soo laabtaan. Waxaa hor yaalla khilaafka soo shaac-baxay ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Karaash in la xaliyo; khilaafkaas oo runtii dibadda u soo baxay, waraaqo la iska soo daba saaray, dadkuna aanay jecleysan, shaqo-maalmeedkii dowladdana curyaamiyay. Arrintaasi waxay u baahan tahay in la xalliyo, shaqadii dowladanna la dardargeliyo.”

Caqabadaha kale ee Madaxweyne Deni hor yaalla waxaa ka mid ah kala-irdhowgii ka dhashay doorashadii xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu doortay Puntland. Waxaa sidoo kale jirta tabasho ay qabaan dadkii xubnaha lahaa qaarkood iyo weliba qaar ka tirsan isimada Puntland oo sheegay in dowladdu ay gacan-togaaleysay xubnihii ay saxiixi jireen.

Wareysi ay BBC-du 3-dii Maarso ka qaadday Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Jaamac ayuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu xubnihii ka faro-maroojiyay, uuna gaystay qof uu rabay – xilligaas wuxuu suldaanku ku sugnaa Boosaaso oo ay ka socotay doorashada 16 kursi.

“Madaxweynuhu isaga ayaa maamushay, qaabka wax u socdaanna isagaa u dhigay anigana waxba la igama weydiin,” ayuu yiri. Suldaanku.

Sidaas daraaddeed, tabashooyinka ka dhashay doorashada iyaguna waa caqabad kale oo xal uga baahan Madaxweyne Saciid Deni.

Khuburrada siyaasadda faalleeya ayaa qaba in arrintaas ay tahay mid ay dadku kula irdhoobeen oo kuwo isu dhowaa ku kala fogaadeen. Cabdi Faarax Saciid (Juxa) wuxuu qabaa in ay taas tahay howl dedaal dheeri ah uga baahan Madaxweyne Deni sidii uu isugu soo dumi lahaa dadka ku kala indhoobay doorashada darteed.

“Khilaaf weyn iyo kala fogaansho ayaa doorashadaas ka dhashay. Khilaafkaasi markii dambe Xamar ayuu la aaday. Waxaa muuqaneysay ardaa kasta oo olole-doorasho uu ka socdo in lagu arkaayay dad reer Puntland ah oo iska soo horjeeda, kuwaas oo halkaa ku kala qaybsamay,” ayuu yiri Juxa.