Afar qoddob oo laga soo saaray shir Midowga Musharaxiinta ay maanta ku yeesheen Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha midowga murashaxiinta ayaa shir ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxay uga hadleen xaalada dalka iyo siyaasada guud halka ay wax marayaan.

Musharax Daahir Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in afar qoddob looga hadlay kulankaas, kuwaasi oo badankooda la xiriira habraacii doorashada ee ay sida adag uga horyimaadeen.

“Waxaa kulankii maanta ee Midowga Musharaxiinta lagu gorfeeyay culeysyada ka jira dalka guud ahaan iyo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaa hoosta looga xariiqay afar arrimood oo waaweyn” ayuu yiri.

Afarta qoddob ee looga hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa kala ah;

  1. Dib udhaca doorashada iyo rajo beel laga muujinayo sida ay wax usocdaan
  2. Golaha Midowga murashaxiinta oo sheegay in doorasho xor iyo xalaal ah ay ubaahan yihiin
  3. Wada hadalo usocda golaha wadatashiga qaran iyo midowga murashaxiinta
  4. Iyo qodobka afaraad uu sheegay in R/wasaare Rooble ay baaq udireen shir gaar ah ay yeesheen ayuuna sheegay in ay usocdana.

Shirka markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay afhayeenka golaha midowga murashaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka warbixiyey waxyaabah shirkooda maanta kasoo baxay.