Afar qodob oo laga soo saaray Amniga Magaalada Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa soo saaray Amaro la xiriira dhinaca Amniga, kuwaas oo ku socda Shacabka ku nool Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Amarkaan oo kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa waxaa lagu shaaciyay 5 qodob oo la faray Bulshada Beledweyne, kuwaas oo ku saabsan Amniga Magaalada Beledweyne.

Amarada kasoo baxay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa ay kala yihiin.

1. waxaa laga mamnuucay magaalada baledweeyne cid kasto oo hub ku dhax sidato
gudaha magaalada Beledweyne oo aan aheeyn Ciidamada qalabka sida waxaana
horgeeynayaa cidii lagu arko maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

2. waxaa la mamnuucay gaadiid muurayadaha madow oo aan aheyn Gaadiidka
dowlada laga bilaabo 18/7/2021 kuna eg 22/7/2021 mudo 5 maalmood ah cidii
lagu arko mudadaas kadib waxaa laga qaadi doona talaabo waafaqsan sharciga iyo
ganaax.

3. waxaa la mamnuucay dhamaan moota bajaajka ay ku xiran yihiin daahmanka iyo
in ay qaataan dhamaan bajaajleeyda nambar ama taargo kana qaataan saldhiga Degmada Baledweyne.

4. waxaa la mamuucay dhamaan gaadiidka waaweeyn in laga bilaabo 7:00 AM
aroornimo ilaa 4:00 PM Galabnimo lagu dajin karin baabuurta xamuulka ah magalada gudaheeda maadaama ay wadadu cariri tahay ayna degsan karaan waxii ka dambeeyo waqtiga aan kor kusoo xusnay.

Laga bilaabo Maalinta taariikhhdu tahay 18/07/2021 waxaa laga mamnuucay
baakinka baabuurta wadada daljirka dahsoon ilaa cilmi loos cidii lagu arko, iyada oo
baakin ku jirto wadada laga mamnuucay baakinka waa la ganaaxaya darawalka waa la xirayaa.

Sidaas darteed waxaa la farayaa cidamada amniga iyo sarakishooda wax yaabaha aan
kor kusoo sheegnay in ay u fuliyaan sida ay u qoran ylhiin.