Afar Qodob oo xal u noqon kara khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaara xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa u dhaxeeyaa khilaaf aad usoo shaac baxay muddooyinkii dambe oo kusoo aaday xilli lagu dadaalayay inay qabsoonto doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Arrimaha ay isku qabteen Farmaajo iyo Rooble waxaa saldhig u ah:
Qaabka loo wajahay kiiska ku saabsan Ikraan Tahliil, oo xubin ka ahayd sirdoonka Soomaaliya.

Shaqo ka joojinta agaasimihii hay’adda Nabad sugidda, Fahad Yaasiin

Xil ka qaadista wasiirkii amniga gudaha oo wasaaraddiisa loo magacaabay qof kale.

Muxuu noqon karaa xalka?

1- In aan wasiir xil laga qaadin

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa BBC-da u sheegay in xalka labada dhinac isu soo dhaweyn kara uu yahay oo kaliya in meesha laga saaro tallaabada wasiir xilka looga qaaday balse taas baddalkeeda la sameeyo isku shaandheyn, iyadoo wasiirka la baddalo loo dhiibayo wasaarad kale.

“Waxyaabaha yar yar ee la isku hayo waa la toosin karaa. Aniga kuma taliyeen saacaddan in wasiir la baddalo, laakiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu awood u leeyahay in haddii uu shaqada amniga ku aamini waayay Xundubeey u dhiibo wasaarad kale,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Fikraddan waxaa ku raacsan Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar, oo falanqeeya siyaasadda gobolka.

2- In qof saddexaad loo magacaabo agaasimaha NISA

Sidoo kale arrinta ku saabsan hoggaanka NISA ayay sheegeen in dhan kale laga eegi karo.

“Haddii la leeyahay Fahad wuu is casilay, madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuna ay kala magacaabeen labo qof waxaa habboon in la isku afgarto qof saddexaad oo aan labadaas midna ahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

3- Baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil

Qodobka uu ka dhashay muranka ugu weyn ayaa ahaa kiiska gabadha ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka qaranka, walina wax xal ah looma helin.

Sida ay khubaradan qabaan, “waxaa muhiim ah in baaritaan habboon lagu sameeyo sida lagu waayay gabadhaas oo xil sare ka heysay NISA”.

4- Dadaalka Beesha Caalamka

Xalka kale ee ugu dambeeya waxa uu noqon karaa in Beesha Caalamka ay si toos ah u soo farageliso arrinta, sida uu aaminsan yahay Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar.

“Waxaan ogeyn in bishii April ay dhaceen rabshado ka dhashay khilaafkii Mucaaradka iyo dowladda, beesha caalamkuna waxay cadaadis ku saartay dhinacyada inay xal helaan,” ayuu yiri.

Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa socday dadaal ay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ugu jireen in laga gudbo ismariwaaga siyaasadeed, si xoogga loo saaro arrimaha doorashada.