Afar sabab oo keentay in la ceyriyo Francisco Madeira iyo fadeexad lagu helay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaan dhageystay cod labo (2) qeyb ah oo isugeyn afar daqiiqo iyo sodon iyo siddeed ilbiriqsi ah (4:38) oo Francisco Madeira, laga soo duubay! Dabcan waa codka Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu u cuskadeen ceyrinta!

Si foolxun ayuu ugu gefayaa Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, oo uga been abuuranayaan asaga iyo xiriirka kala dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Xoogga General Odowaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale waxuu u gefeyaa reerka ay General Odowaa iyo Ra’iisul Wasaare Roble, ka dhasheen.

Labo Madaxweyne oo hore oo uusan magac dhabin ayuu caynayaa si foolxun. Dabcan labada Madaxweyne waa xurmadle Sharif Sheikh Ahmed iyo xurmadle Hassan Sheikh Mohamud. Dilkii iyo dulmigii Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, loo geystay ayuu suurad xumeynayaa oo hoos u dhigayaa! Dilka oo keliya ma uu suurad xumeynayeen qaraxii #Beledweyne ka dhacay ee lagu dhamaaday ayuu ku jees jeesayaa. Sidoo kale waxuu leeyahay fursad ayey ka dhigteen mucaaradku ay Mohamed Abdullahi Farmaajo, uga aargoostaan!

Madaxweyne Said Abdullahi Deni, ayuu ku durayaa sababta uu Madaxweyne Ahmed Madoobe, ugu taageero qaddiyad Gobolka #Gedo iyo arrinta deegaan doorashada degmada #Garbahaarrey!

Si ku talax tag ah oo aad u heer hooseysa ayaa Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u hadlayaa. Isku celcelis, waa cod fadeexad ah oo caddeyn dhammeystiran u noqon kara in #AMISOM (ATMIS) iyo hoggaankeeda dib loo eego oo go’aan dowladnimo oo rasmiya laga qaato sida lagu sii wadashaqeyn karo.

Waxaa fadeexad taas ka weyn ah in Madaxweyne Farmaajo, caawa difaacay ceyrinta Madeira!

WQ mahad Gele