Afgambi militari oo ka dhacay dalka Guinea iyo Madaxweynihii dalkaas oo gacanta lagu dhigay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo Millateri ah ayaa ayaa afgambi kula wareegay dalka Guinea ee Galbeedka Afrika, waxaana sidoo kale hadda dalkaasi ka taagan xaalad kacsanaan ah, iyadoo Ciidanka Millaterigu ay haatan gacanta ku dhigeen Madaxweynihii dalkaasi Alpha Conde.

Sidoo kale ciidamo kale oo ka hadlay taleefishinka dowladda ayaa sheegay in la baabi’iyey dastuurkii iyo dowladdii dalka.

Wararka ka imaanaya dalkaasi ayaa ku warramaya in Ciidamadu ay Madaxweynaha Xabsi guri ka dhigeen, waxaana sawirro lasoo qaaday ay Muujinayaan Ciidanka oo Maxbuus ahaan u haysta Madaxweynihii dalkaasi.

Saraakiisha horkacaysa Afgambiga ayaa sheegay in Dowladda kala dirayaan, waxaana warbaahintu ay shaaciyeen in Afgamiga uu hoggaaminayo Korneyl, Mamadi Doumbouya.

Muuqaal kale oo kooxda afgambiga ay usoo direen wakaaladda wararka AFP, ayaa muujinaya Conde oo u muuqda mid jahwareersan oo ku fadhiya kursi, kuna hareereysan yihiin ciidamada. Wuxuu diidayaa inuu ka jawaabo su’aal uu askari weydiiyey oo aheyd haddii si xun loola dhaqmay.

Madaxweyne Alpha Conde ayaa lagu doortay doorashadii ugu horreysay ee dimqoraadi ah ee Guinea ka dhacday 2010-kii.