Afgembi oo markale ka dhacay dalka Suudaan iyo wararkii u dambeeyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Suudaan ayaa waxaa sheegtay in afgembi dhicisoobay uu ka dhacay dalkaas isla markaana la qaaday tallaabooyin lagu dajinayo xiisadda, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

“Waxaa dhacay afgembi dhicisoobay, dadka waa inay ka hortagaan” ayay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa jiray isku dayo la doonayay in lagu qabsado dhismayaasha warbaahinta dowladda, sida ay baahisay AFP.

Qorsal uu Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi Sovereign Council soo dhigay Bartiisa Facebook  ayaa waxa uu dalka Reer Sudan ugu baaqay inay isku soo baxaan, si ay u difaacaan dalka iyo inay badbaadiyaan xilliga ku-meel-gaarka.