Afhayeen Cusub Oo Loo Magacaabay Maamulka Gobolka Hiiraan

BELEDWENE-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa Afhayeen Cusub u magacaabay Maamulka Gobolka Hiiraan, xilli Magaalada Beledweyne ay ka dhacayeen dibadbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle.

Guddoomiye Jeyte ayaa afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan u Magacaabay Cabdi Muumin Cilmi, isaga oo kula dardaarmay in Shaqadiisa uu si wanaagsan u guto.

Afhayeenka Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi, isaga oo kula dardaarmay in Shaqadiisa uu si wanaagsan ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Maamulka degmada Maxaas, waxaana maalmihii la soo dhaafay uu kamid ahaa dadka dhaliilsan Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, hayeeshee haatan uu kamid noqday.

Magacaabista Afhayeenka Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Caasimadda gobolkaas ee Beledweyne ay ka dhacayeen banaanbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeedo Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.