MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal uu soo saaray Afhayeen Sadiiq Doodishe ayaa waxaa uu ku sheegay in Qaraxii ka dhacay wadada 21 Octoober ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir lala eegtay gaarigiisa, xili uusan isaga la socon.
Waxaa uu sheegay Afhyeenka Ciidanka Booliska in gaarigiisa uusan waxyeelo kasoo gaarin qaraxaas, hayeeshee uu ku jiro khasaaro soo gaaray dad shacab ah iyo gaadiid goobta marayay xiligii uu qaraxu dhacaayay.
Afhayeenka Booliska ayaa sheegay falkan aanu cabsi gelin doonin, isla markaana uu horay naftiisa ugu qidmeeyay umadda Soomaaliyeed.
“Xalat abaare 8:55 fiidnimo ayeey miino la dhigay wadada 21- Oct dhinaceeda argagixisadu la eegteen dad iyo gaadiid marayay oo uu ku jiro gaarigayga, walow xiligaas aanan la socon, Ilaahay mahadii cidna waxba kuma gaarin gaarigayga. Inkastoo dad wada marayay ay wax ka soo gaareen, ilaahay ha u booga dhayo qofkii wax ku noqday”ayuu yiri Afhayeenka Booliska.
Inta la xaqiijiyay qaraxii ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux oo Dumar ah, halka dad kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.
Weli ma jiro cid sheegatay qaraxas, hayeeshee inta badan qaraxyadaas noocaan oo kale ah ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab oo horey u sheegtay qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.