Afhayeenka u hadlay Villa Somalia oo sheegay in Weerar lagu yahay dadka iyo Dowladda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka farriin ugu diray dad uu ku tilmaamay inay duulaan ku yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Waxa uu dadkaas oo uusan sheegin kuwa ay yihiin ku tilmaamay inay faafinayaan been iyo dacaayad ka dhan ah dadka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay Soomaalida maanta inay ka duwan tahay tii hore, oo ay dadkeedu baraarugsan yihiin.

Ma cadda dadka uu ka hadlayo Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Soomaali iyo ajnebi waxay yihiin , ama xitaa shaqsiyaad ama dowladdo.

Waxaa weli Muqdisho ka taagan xiisada ka dhalatay khilaafka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.