Afhayeenka XFS Farxaan Jimcaale oo Feer lala dhacay iyo dagaal gacan ka hadal oo ka dhacay Hotel Decale.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka laga helayo gudaha hoteelka Decale ee garoonka Aadan Cade ayaa waxa uu sheegayaa inuu hakad galay shirka u socday madaxda dowladda iyo madaxdii hore, sababo la xiriir dagaal gacan ka hadal oo ka dhacay halkaas.

Dagaalka gacan ka hadal ah ayaa dhexmaray mid kamid ah praticol-ka madaxweyne Xasan Sheekh iyo agaasimaha warfaafinta RW wasaaraha Farxaan Jimcaale.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Farxaan Jimcaale loo diiday inuu shirka la galo Ra’iisul Wasaare Xamze, balse Farxaan ayaa la sheegay inuu ku adkeystay inuu R/Wasaaraha galo hoolka maadaama uu shirka ku jiro agaasimaha warfaafinta madaxtooyada isna uu yahay agaasimaha warfaafinta Xafiiska R/Wasaaraha.

Maxaa dhacay kadib? Nin kamid ah Praticol-ka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa feer la dhacay Farxaan Jimcaale balse farxaan oo is difaacaya feerka ayaa isna feer ugu jawaabay waxaana goobtii ka dhacday buuq iyo labada xafiis loo kala safto xaalada ayaana intaas kadib faraha ka baxday.

Wariyayaasha ayaa dibada loo wada saaray, waxaana laga tashanayaa sida laga yeelayo, waxayna arrintaan ceeb ku tahay labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.