Afhayeenka Xukuumada Farxaan Jimcaale oo lagu wareejiey Liiska golaha wasiirada cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xubno ka howlgala Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyey in laga yaabo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo xukuumada cusub oo maalmahaan dood hareysay in la shaaciyo liiska.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wareejiyey Liiska magacyada waxaana hadda gacanta ku haya Agaasimaha xiriirka warbaahinta ahna Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale,oo warbaahinta u akhrin doona.

Ugu dambeyn Caawa ilaa galabta ayey ubadan tahay in la shaaciyo golaha wasiirada cusub waxaana kasoo dhex muuqan doona siyaasiyiin caan ah.

Waxaa siyaasiyiin ku abaal sheeganayey dib udoorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga hor istaagay shakhsiyaad ay wateen oo ay Wasiir la doonayeen.

Waxaa inta badan lasiiyey xilalka shakhsiyaad ku yimid rabitaanka Xisbiga UPD ee Madaxweynaha & Ra’iisul wasaaraha kawada tirsan yihiin,waxaana jira xubno kale oo qurba joog ah oo kasoo dhex muuqanaya Golaha wasiirada cusub..