Afrika oo laga dhisayo xarumo talaalka korona lagu sameeyo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Yurub ayaa ku talo jira inuu ku maal geliyo lacag hal bilyan oo Euro ah oo u dhigantaa 1.2 bilyan oo doolar in lagaga dhiso Afrika xarumo lagu sameeyo talaalka Covid-19.

Madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in sidoo kale Midowga Yurub ugu deeqayo 100 milyan oo irbadood oo talaalka ah dalalka dakhiligoodu hooseeyo iyo kuwa uu meel dhaxaadka yahay dabayaaqada sannadkan.

Hadalkan waxay ka sheegtay shir lagaga hadlayey Covid-19 oo ka dhacay magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga.

Mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee talaalka sameeya waa Pfizer/BioNTech ay madashaa ka shaacisay in ay sideedda iyo tobanka bilood ee soo socda qiimo jaban ugu samayn doonto dalalka saboolka ah laba bilyan oo irbadood oo talaalka ah.

Shirkaas ka dhacay magaalo madaxda Talyaaniga, ayaa looga gol lahaa in lagu helo qaabka ugu haboon ee la isugu dubaridi karo dedaalka caalamiga ah ee ka hor tagga safmarka.

Qaaradda Yurub ee waxa laga soo saaray laba nooc oo talaalka ka hortagga safmarka Covid-19 ah. Labadaa nooc ka kaydintiisu sahalan tahay ee haatan wadamada saboolka ah ee dunida saddexaad loogu deeqay ee ay ku helaan habka la yidhaa COVAX waa AstraZeneca.

Shirkadda AstraZeneca ee soo saarta dawooyiinka ee fadhigeedu yahay UK oo kaashanaysay jaamacadda Oxford ayaa soo saartay talaalkan looga hortagayo fayraska koroona, dhamaadkii sanadkii hore.