Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo la kulmay Maamulka iyo Ciyaartooyda Kooxda Gaadiidka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Gacal (Gabow) oo ay wehelinayaan Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Agaasimaha Arrimaha Bulshada ayaa Maanta la kulmay Naadiga Gaadiidka iyo Maamulkiisa.

Kulankan oo ahaa mid la isku xog-waraysanayey, sidoo kalana looga hadlayay horumarinta Naadiga Wasaaradda, Gaadiidka, ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal la xariira tayaynta naadiga, oo mudooyinkii dambe shaqo wayn ka qabatay waaxda arimaha bulshada Ee Wasaaradda,
Sidoo kale inta uu kulanku socday ayaa Warbixin looga dhagaystay Maamulka Naadiga. iyadoona lagu ballamay in la sii xoojiyo dadaalada kor loogu qaadayo Naadiga Gaadiidka oo ka mid ah Kooxaha heerka koowaad ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS Cali Gacal Gaabow ayaa boggaadiyay shaqooyinka Waaxda Arimaha bulshadu ka qabatay hormarinta Naadiga Gadiidk.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda (XFS) ayaa markii uu la wareegay Wasaarada awooda saaray in la tayeeyo Naadiga Gaadiidka, iyadoona uu u magacaabay Agaasinka Waaxda Arimaha Bulshada kaa soo wax badan ka badalay Hab maamulka naadiga Gadiidka.

agaasimaha