Agaasime Ku-Xigeenka Madaxdooyada oo kulan la qaatay shaqaalaha iyo Agaasime Waaxeedyada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasime Ku-Xigeenka Guud ee Madaxdooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo kulan isbarasho ah la qaatay shaqaalaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay qorsheyaasha hortebinta u leh Madaxtooyada qaranka.

Agaasime Maxamed Amiin ayaa xusay in guud ahaan shaqaalaha dowladdu ay yihiin adeegeyaal qaran, oo aan lagu beegsan doonin arrimo siyaasadeed, waxa uuna ku adkeeyey shaqaalaha Madaxtooyada in ay waajibaadkooda shaqo u gutaan si habsami leh oo waafaqsan shuruucda shaqaalaha dowladda.

“Siyaasadda guud ee Madaxweynaha iyo tan Agaasinka Cusub waxa ay ku qotontaa aragtida guud ee ah Soomaali Heshiis ah Dunida heshiis la ah, taas oo aan rabno in ay ka hirgasho meesha ugu hooseysa ilaa meesha ugu sarreysa ee dowladnimadeenna. Howl-wadeen walba waxaa lagu qiimayn doonaa, lagu na dallacsiin doonaa dadaalka iyo waxqabadkiisa shaqo.”

Dhankooda, Agaasime Waaxeedyada iyo howl-wadeennada kala duwan ee Madaxtooyada Qaranka oo soo dhaweyey Agaasinka Cusub ee Madaxtooyada ayaa la wadaagay warbixinno ku aaddan howlahooda shaqo ee Madaxtooyada Dalka.

Ugu dambayn, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka sii wadidda iyo dardar gelinta shaqada ay qaranka u hayaan.