Agaasime NISA oo shaqadii ka eryey saraakiil saaxibo dhow la ahaa Fahad Yaasiin

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa muddo ka yar seddex bilood waxa markii 2-aad sameeyey Isbedelo dhinaca shaqada ah.

Agaasime Mahad waxa uu Madax waaxeedyada hoggaanka Hay’adda kusameeyey isbadel, iyadoo xilal laga qaaday isla xubno uu magacaabay dhawaan.

Hoggaanada is bedelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah Agaasinka Arrimaha Dibadda ee NISA oo loo magacaabay Sarkaal lagu magacaabo Caddow oo horay u heystay Waaxda ICT.

Xilka Agaasinka Arrimaha Dibadda waxaa laga qaaday Sarkaal lagu magacaabo Liban Kadiye.

Dhawaan ayay markii Agaasimaha NISA uu magacaabay ilaa dhowr Kaaliye oo ka hoos shaqeyn doonna.

Shalay oo sabti aheyd, waxaa soo baxday in badankood xubnaha galabta xilka laga qaaday ay sii diyaarsadeen Istiqaalada shaqo kategista ah,hayeeshee isku dayo uu waday ilaa xalay madaxweyne xasan sheekh maxamuud ayaa umuuqda mid fashilmay si uu xal uga gaaro xiisada ka jirta Taliska Habar khadiijo dhexdiisa.

Sababa Mahad Salaad xilka ugu qaday ayaa lagu sheegay inuu kacarooday in macluumaadka gudaha iyo dhaqdhaqaaqiisa lasii ogaado,sidaa awgeedna uu ka shakiyey inay xogtiisa gudbin karaan xubnaha uu shaqada ka eryey.