Agaasime wasaaradeed shaqada looga ceyriyey hal arrin.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga xukuumadda Soomaaliya  Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaqada ka joojiyay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, kadib eedeymo culus oo loo jeediyay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Qorsheynta ayaa shaqada looga joojiyay Cabdiqaadir Maxamed Aaden oo ahaa agaasimihii guud ee Wasaaradda, waxa uuna wasiir Jamaal ku eedeeyay agaasimaha ku tarkrifal awoodeed iyo arimo kale.

Wasiirka Qorsheynta ayaana magacaabay agaasime kmg ah oo shaqada sii wadaya, waxaana xilka ka qaadista agaasimaha la sheegay in ay salka ku heyso khilaaf labada masuul mudooyinkan u dhaxeesay.