Agab Cusub oo Loogu Talo Galay Amniga Doorashooyinka Oo Lagu Wareejiyay Guddoomiyaha G/Hiiraan

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu wareejiyay Agab loogu talagalay hubinta Amniga Doorshada Golaha Shacabka ee ee lagu qabanayo Magalada Beledweyne.ee xarunta gobalka Hiiraan

Agabkaan oo ka kooban dhowr waxyaabood ayaa waxaa bixiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, waxna loo soo marsiiyay Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Agabka la wareegay ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha UNSOM, isaga oo sheegay in sidii loogu talo galay loogu Shaqeyn doono Agabkaas

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana laga dareemayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee dorashada golaha shacabka.