Agabka Doorashada Golaha Shacabka Oo Loo Kala Diro Dowlad Goboleedyada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), ayaa bilaabay in agabkii Doorashada Golaha Shacabka u kala diro deegaanada Dowlad Goboleedyada ay ka dhacayso doorashooyinka.

Guddiga ayaa agabkii ugu horeeyay u direy Maamul goboleedka Galmudug ee loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada Gollaha Shacabku.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah agabkii Doorashada loo kala diro Maamul goboleedyada Jubaland , Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabele.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdain ay ka bilaaban doonto Doorashooyinka Golaha Shacabka deegaanada loo asteeyay inay ka dhacdo.