Agoosto, Oktoobar iyo Nofember, weeraradii Shabaab soo qaadeen 6-dii bilood ee lasoo dhaafay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Bishii Agoosto 20-keedii ayey aheyd markii ay Al-Shabaab weerrar ku galeen hoteel Xayaat ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dilay in ka badan 20 qof.

29-kii Oktoobar-na laba qarax oo waa wayn ayaa lagu weerraray dhismaha wasaaradda waxbarashada ee ku yaal isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo iyana lagu dilay in ka badan 120 qof, halka dhowr iyo toban qofna illaa iyo haatan la la’yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

27-kii November oo xalay aheyd oo ilaa hada ay ku jiraan ayaa sidookale Al-shabaab weerar kusoo qaadeen Magaalada Muqdisho, iyagoo weeraraya goobo aad muhuum u ah oo amnigooda aad loo ilaaliyo, waxayna qeyb ka tahay weerada Al-shabaab kusoo qaadaan Muqdisho.

Dhowr boqol oo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaasi, qaarkood waxaa lagu dabiibayaa Muqdisho halka qaarka kalena loo qaadday dibadda.

Qaar ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegaya in maadaama Shabaab uu culays badan ka saaran yahay gobollada dhexe oo uu dagaal ku haysto, ay weerraradan ka dhacaya Muqdisho oo ah ubucda dowladda ay ku muujinayaan inay weli jiraan, isagana khafiifiyaan culayska ay wajahayaan.

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad xulafo la ah ayaa bilihii ugu dambeeyay tuulooyin iyo degmooyin kala wareeegayay uruka Al-Shabaab, iyadoo dagaallo qaraarna ay haatan ka socdaan gobollada dhaca bartamaha dalka.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo todobaadkii hore soo bandhigay waxqabadkiisa 100-kii maalmood ee ugu horreeyay ee xukuumadda, ayaa lagu shaaciyay in bilihii lasoo dhaafay ururka Al-Shabaab loogaga dilay boqollaal dagaalyahan.

Sidaas oo ay tahayse, ururka Al-Shabaab ayaa u muuqanaya inuu kordhiyay weerrarada uu ka gaysanayo magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo markii ay dagaalladan ugu dambeeyay ay bilowdeen ay magaaladaasi ka dhaceen weerraro ay dad badan ku dhinteen.