Ahlu-Sunna dagaal miyaa looga adkaaday mase wadahadal?

Ciidanka Ahlusuna
Ciidanka Ahlusuna

GURICEEL-AYAAMAHA-Magaalada Guriceel waxaa saakay si buuxda u maamulaya ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Galmudug, kadib dagaal xoogan oo magaaladaasi ka socday mudo afar maalin ah.

Xoogagii taabacsanaa kooxda Ahlu Sunna ayaa saakay gabi ahaan isaga baxay xaafadihii ay ka joogeen magaalada Guriceel gaar ahaan aaga Jaamacada oo mudo sadex maalin ah ka dagaalamayeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wadahadal xalay dhacay uu sabab u ahaa in ciidamada Ahlu Sunna ay isaga baxaan magaalada Guriceel, waxaana ciidamada Ahlu Sunna lagu qasbay in ay dib usoo celiyaan labo gaari dagaal oo horey u qabsadeen.

Ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug ayaana gaaray lana wareegay goobihii ugu dambeeyay ee lagu dagaalamayay, waxaana la ogeyn halka u baxeen ciidamadii Ahlu Sunna ee Guriceel ku sugnaa.

Maamulka Guriceel ayaa sheegay in hada si buuxda gacantooda ugu jiro maamulka magaalada, waxa ayna masuuliyiinta maamulka ugu baaqeen shacabkii ka qaxay magaalada in ay dib ugu soo laabtaan .

Dagaalka Guriceel ka dhacay ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 50-ruux oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay, waxaana dadka dhintay ku jira saraakiil ciidan oo labada dhinac kala hogaaminayay