Ahlu-Sunna oo jawaab kulul ka bixisay eedeyntii General Aadan Laba Afle

Ahlu-Sunna
Ahlu-Sunna

DH/MAREEB-AYAAMAHA=Xoogagga Ahlu-Sunna ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo ku aaddanaa in ay diideen in ay wada hadala la furaan Dowaldda dhexe iyo Maamulka Galmudug, kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn la iskula dhex-marayay.

Cabdi Salaan Aadan Xuseen oo ah madaxa Siyaasadda Ahlu Sunna ayaa shegay in aysan jirin cid wada hadal lafurtay iyo cid meesha ay joogaan ugu timid toono, waxaana uu wararka la faafiyay uu ku sheegay kuwo wax kama jiraan ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

Mas’uulka u hadlay Ahlu-Sunna ayaa intaa kud aray in dadkii ay ka sugayeen wada hadalka ee Culumaa’udiinkii iyo waxgaradku aysan jirin wax wadahadal ah ama xal ah oo si toos ah loo horkeenay.

”General Laba Afle wuxuu ahaa nin aysan jirin cid soo dirsatay oo Wasiir ka tirsan Galmudug ayaa horay u cadDeeyay, madaxda Galmudugna wada-hadal ma rabaan, anagana inaan nabad rabno waxaa cadeyn kuu ah Ahlus Sunna oo 15km u jirta caasimadda inay ka warsugayaan Culimadii iyo Ganacsatadii dhex dhexaadinta waday,” ayuu yiri

Hadalka kasoo yeeray mas’uulka ka tirsan Ahlu Sunna ayaa kusoo aadaya iyadoo warar soo baxayay ay sheegayeen in saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhexdhexaadin ka dhexwaday mamaulka Galmudug iyo Ahlu sunna ay dadaalladaasi ku soo dhamaadeen guul darro.