Ahlu Sunna oo sheegtay inay dagaalami doonaan haddii Ra’iisul Wasaare ka noqon Galmudug

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa faah fahain ka bixiyay qorahahooda Galmudug iyo hadii ay wada-hadallo la galayaan Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Macalin Maxamuud oo Wareysi siiyau Idaacadsa BBC-DA waxaa uu sheegay in ka Ahlusunna ahaan ay Galmudug u deeynayaan doorka Madaxweynaha, iyagana ay leeyihiin doorka Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa uu si cad u sheegay hadii ay dhici waayaan wada-hadallada Ahlusunna iyo Galmudug inay howshooda dowladnimo iska sii wadan doonaan, isla markaana ciddii soo weerarka ay iska celin doonaan.

” Xalka Galmudug wuxuu kujiraa in la wada fariisto, hadii la diidana anaga Shaqadeena uma joonineyno oo howsheena waan wadaneynaa dadka isku daya inay na soo weeraraana waan iska difaaceeynaa ayuu yiri” Macalin Maxamuud.

Warkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud ka sokow ayaa waxaa mar jirtay in Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna in uu ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug oo u dhiganta Ra’iisul Wasaare.