Ahlu Sunna oo Weerar Khasaaro geystay ka fulisay gudaha Dhuusamareeb

Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan bilaabay
Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan bilaabay

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku waramaya in halkaasi uu maanta ka dhacay weerar khasaaro dhaliyay oo ay fuliyeen xoogag katirsan Ahlu Sunna.

Koox hubeesan oo la tilmaamay in ay katirsan yihiin Ahlu Sunna ayaa dilay labo askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor, waxa ayna kooxdan dilka kaddib ka baxsadeen magaalada Dhuusomareeb.

Sida aan wararka ku helnay kooxda hubeesan ee dilka geesatay ayaa horey usii qaadatay gaari Cabdi Bille ahaa iyo hubkii ay wateen askarta la dilay, waxa ayna kooxdan u baxsadeen duleedka magaalada Dhuusomareeb  gaar ahaan dhinaca deegaanka Bohol.

Gaariga ay la baxsadeen kooxda hubeesan ayaa la sheegay in horey u lahaayeen hoggaanka Ahlu sunna balse dagaal looga qabsaday, waxaana weerarkan u muuqday mid qorsheesan oo ay fuliyeen xoogag katirsan Ahlu Sunna.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa weerarkan ku tilmaamay mid argagaxiso, waxaana afhayeen u hadlay maamulkaasi sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baacsanayo kooxdii hubeesneed ee dilka geesatay.