Ahlusuna oo dhoolatus ciidan & Hanjaab kusoo bandhigtay Guriceel

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Ahlusuna Waljamaaca ayaa howlgal ballaaran ka sameeyey maanta magaalada guriceel xaafadaheeda kala duwan.

Waxay sheegeen ciidanka Ahlusuna ee maanta gaaf wareegay inay nabad gelyada kusugayeen,iyagoo beeniyey in magaalada laga barakacay.

Taliyaha guud ee ciidamada Ahlusuna Cali Faarax Maxamed ayaa sheegay in Al Shabaab sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan isagoo dhanka kale sheegay in Amniga uu yahay mid gacan bir ah ku hayaan magalaada guriceel.

Taliye Faarax ayaa meesha ka saaray warar baraha bulshada lagu faafiyey oo ah inay ciidanka Ahlusuna iskaga baxeen oo la hareereeyey magaaladaasi.