Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabay duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan bilaabay
Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan bilaabay

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee ku sugan deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud ayaa la soo sheegaya in abaabul ciidan ay ka wadaan halkaasi. Bohol waxay qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan tahay Magaalada Dhuusamareeb.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la tuhunsan yahay inay damacsan yihiin weerar ay ku qaadaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay bartiisa Facebook ku soo qoray “Ama Dhuusamareeb ama geeri, Insha’Allah.”

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna lagu arkay deegaano dhaca bariga Magaalada Dhuusamareeb.

Bashiir Nageeye oo ka mid ah dhallinta Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna ay baqdin ku keentay dadka deegaanka.

“Ahlu Sunna oo aad u maleynayso inay ka careysan tahay hadalkii habeen dhaweyd ka soo yeeray Ra’iisal Wasaare Rooble ee ahaa inay nabadiid yihiin ayaa keentay abaabulka ay hadda ka sameynayaan gobolka. Nimankan siyaasadda ayay daneynayaan, dowladdiina ma ogolo in laga soo qaybgeliyo.” Ayuu yiri Bashiir Nageeye.

Waxa kaloo uu yiri “Xalay waxaa la sheegay inay yimaadeen deegaanka Gadoon ee bariga Dhuusamareeb, taa waxaad mooddaa inay baqdin gelisay dadka deegaanka, qaar ka mida.”

Bashiir Nageeye ayaa intaasi ku daray “Reer Dhuusamareeb cidda ay wax ka maqlaan waa Odayaasha Dhaqanka, dhaqankiina waxay taageersan yihiin maamulka meeshaan ka jira.”

Qaar kamid ah dadka kunool Magaalada Dhuusamareeb iyo degaannada hoostaga ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi ku aadan dhaq dhaqaaqyada hoggaanka Ahlusunna maadaama uu sababi karo dagaal dhexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dhaq dhaqaaqyada ay bilaabeen xoogaga Ahlusunna ee ku sugan degaanka Bohol ayaa la sheegay inay keentay kadib markii ay ka caroodeen hadalkii dhawaan uu Dhuusamareeb ka sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa inay nabadiid yihiin kana hortagayaan cid kasta oo wada khalqal gelinta Maamulka Galmudug.