Ajaanib carab ah oo Shabaab u sameyn jiray qaraxyada oo gacanta lagu dhigay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Nabad sugidda Galmudug iyo Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa saakay gacanta ku dhigay ku dhawaad 20 nin oo ajnabi ah, kuwaas oo ka yimid Xarardheere.

Raggaan oo ay gawaari kooxda AS leedahay ku dajisay meel aan sidaas uga fogeyn Xeebta Hobyo si ay halkaas Doon uga raacaan ayey ciidamada NISA ee Galmudug ka war heleen xogtooda, waxeyna ka kor dhaceen iyagoo sugaya doonta.

Wararka aan ka helaayo degmada Hobyo ayaa sheegaya in raggaan ay qaarkood u dhasheen waddamada Bakistaan, Bangaaladheesh iyo America, waxeyna xoguhu sheegayaan in ay yihiin raggii Miinooyinka u sameyn jiray Kooxda AS, kuwaas oo muddo 7 sano ka badan ku sugnaa degmada Xarardheere.