Ajaaniib ka tirsaneyd Alshabaab oo xukun lagu Riday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta min 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay laba eedeysane oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen dagaal Al-sbabaab, sida ay shaaciday warbaahinta dowladdu.

Labada nin oo uu kala dhashay waddamada Britan iyo Malaysia ayaa la sheegay in ay ka qeybgaleen dagaallo maagaalooyin kala duwan ay ku gashay Al-shabaab, waxayna muddo sanad ah ku xirnaayeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidmada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaqay in Darren Antonio Burns oo u dhashay Britan iyo Axmed Mustaqiim bin Cabdixamiid oo u dhashay Maleysia lagu xukumay midkiiba 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Raggan ayaa markii hore iskaga baxay Soomaaliya, laakiin dalka Yemen ayaa dib ugu soo celiyay xuduudda Soomaaliya, iyadoo kaddibna ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga ee Puntland.

Labadan nin ayaa sidoo kale la sheegay in ay isku dayeen inay ka baxaan Al-sbabaab, kuna biiraan Daacish, hase yeeshee maleeshiyada Al-shabaab ayaa xirtay markii ay ogaadeen qorshahooda ku biirista kooxda Daacish.

Warbixinta raggan la xukumay ayaa intaas ku dartay in labaduba ay Soomaaliya ka soo galeen xuduudda ay la wadaagto Kenya sanado kale duwan.