Ajandaha cusub ee shirka golaha wadatashiga qaran oo goordhow la shaaciyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa faahfaahiyay qodobada maanta looga dooday shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble.

Mucalimuu ayaa sheegay, in shirka looga hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada  Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

“Ajandayaasha iyo maalmaha uu soconayo shirku ayay si wayn la iskugu afgartay dhinacyadu sida uu sheegay afhayeenka xukumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu.

Waxa uu intaasi ku daray in wasiirka 1aad ee xukumadda Maxamed Xuseeb Rooble uu ka dalbaday madaxda maamuladda dalka in ay soo dhamaystiraan doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.