MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulanka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay oo ah kii 77aad ayaa lagu wadaa in toddobaadkan diirada lagu saaro Duullaanka Ruushka ee Ukraine iyo dhibaatada cunnada ee adduunka oo uu sii xumeeyay dagaalku.
Hase yeeshee lama filayo in isu imaatinka uu keeno wax horumar ah oo lagu soo afjarayo colaadda.
“Waxay noqon lahayd wax aan caqli-gal ahayn in aan ku fikirno inaan ku dhownahay suurtagalnimada heshiis nabadeed,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Sabtidii kahor kulanka heerka sare ee 193-ka waddan ee xubnaha ka ah, kaasoo bilaabmaya Talaadada.
“Fursadaha heshiis nabadeed ayaa ah mid aad u yar xilligan.”ayuu sii raaciyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kala qaybsanaan siyaasadeed oo uu sababay dagaalka todobada bilood socday ayaa banaanka u timid, iyadoo Maraykanka iyo xulafada reer galbeedka ay ku loolamayaan Ruushka saamaynta diblomaasiyadeed.
Intaa waxaa dheer, danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay in aysan jirin wax qorshe ah oo ay kula kulmaan dublamaasiyiinta Ruushka.
“Waxa ay xiisaynayaan inay sii wadaan oo ay kor u qaadaan dagaalkan aan loo baahnayn ee Ukraine, “ayay tiri Thomas-Greenfield. Wuxayna intaa ku sii dartay in dagaalka Ukraine laga wada hadli doono, balse aan la iska indho tiri karin inta kale ee adduunka.
Ruushka iyo Ukraine waa dhoofiyayaal waaweyn ee miraha la quuto, Qaramada Midoobayna waxay dagaalka ku eedaysay dhibaatada cunnada ee ka sii daraysa ee ay horay u sii hurisay isbeddelka cimilada iyo masiibada COVID-19.