Akhriso:- Habraaca doorashada Golaha Shacabka oo lasoo saaray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Goordhaw soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Habraaca doorashada golaha shacabka ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ka kooban 10 bog, wuxuuna awooda u badan siinaya guddiga.

Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka beelaha leh kuraasta ayaa la siiyey awoodda xulista Ergada.

Ergada doorashada ayaa waxaa soo xuleysa guddiga xulista ergada oo ka kooban Oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga, sida uu dhigayo habraacan cusub.

Beelkasta oo leh 3 kursi waxaa lagu waajibiyey in ay mid u gaar yeelaan haweenka

Lacagta diiwaan-gelinta Musharaxiinta ragga ee u tartamaya Golaha Shacabka ayaa ah  $10,000 doollar, halka gabdhaha musharrixiinta ah laga rabo $5,000 oo ah lacagta diwaangelinta.

Sidoo kale habraaca ayaa dhigaya in shanta xubnood ee soo xulaya ergada uu soo dooranayo Duubka ugu sareeya dhaqanka beesha ama jifada wadaagta kursiga, ayaga oo la tashanaya Nabadoonada/Caaqillada beesha