Akhriso:- Lataliyaasha MD Xasan Sheekh magacaabay, Beelahooda iyo Mushaarka ay qaataan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii loo doortay xilka magacaabay lataliyeyaashiisa gaarka ah.

Waxa uu sheegay sarkaal katirsan villa soomaaliya in magacaabistaan ay ku timid latashiyo uu Madaxweyne xasan sameeyey.

1. La Taliyaha Amniga qaranka Madaxweynaha JFS Xuseen macalin damuumaaye – Hawiye , Murursade

2. La Taliyaha arimaha dhaqalaha Madaxweynaha JFS Abdi aadan hoosoow – Raxanweyn

3. La Taliyaha siyasada iyo xiriirka Baarlamanka Madaxweynaha JFS Sakariye Axmed Gaashaan – Dir , Surre

4. La Taliyaha sharciga Madaxweynaha JFS Ibraahim iidle saleebaan – Isaaq , Garxajis

5. La Taliyaha arimaha dastuurka  Madaxweynaha JFS  Cabdiraxmaan macalin Baadiyoow – Hawiye , Abgaal

6. La Taliyaha arimaha federalka Madaxweynaha JFS Axmed Cabaas Axmed – Daarod , Majeerteen

Waxa weli lasoo magacaabin La Taliyaha arimaha dibadda kala shaqeyn doona Madaxweynaha JFS.

Waxa jiraan la taliyeyaal iyo xubno si hoose ah shaqo ku jira , La Taliyeyaasha Sare ee Madaxweynaha bishi mushaarkoada waa $10,000 + gunnooyin, safaro iyo hadii hotel ay dagan yihiin , madaxtooyada ayaa ka bixineyso.

Inta badan xubnaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay ayaa ahaa saaxiibadiisa xisbigaa UPD si gaar ah uu naas nuujin ugu sameeyey…