Akhriso liiska doorashada afarta kuraas ee Golaha Shacabka Maanta la doortay.

doorashooyinka Heer Federaal
doorashooyinka Heer Federaal

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta Xarunta dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Janeraal Kaahiye lagu qabtay Afar kamid ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada waqooyi ee loo yaqaan Somaliland.

Kursiga koowaad ee Maanta ee Hop254 ayaa waxaa ku guuleystay Jaamac Maxamed Askar oo Afartii sano ee la soo dhaafay katirsanaa Golaha Shacabka kadib markii uu u tanaasulay Aadan Axmednuur Haybe oo la tartami lahaa.

Kursiga labaad ee HOP255 oo uu ku fadhiyay Axmed Maxamuud Maxamed ayaa waxaa ku tartamay Guuleed Biixi Cabdi , Axmed Maxamuud Maxamed iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen, waxaana kursiga ku guuleystay Guuleed Biixi Cabdi.

Guuleed Biixi Cabdi ayaa helay 58 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay ay kala helleen Axmed Maxamuud Muxumed oo kursigaan horay ugu fadhiyay 22 cod & Cabdillaahi Biixi Xuseen oo 21 cod.

Kursiga Saddexaad ee HOP262 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhiday markalena Maanta loo doortay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaana ay ka guuleysatay ka dib markii ay tartanka ka hartay Caasha Aadan Yuusuf oo la tartami lahayd.

Kursiga Afaraad ee ugu dambeeya doorashada Maanta ayaa waxaa ku guuleystay Cabdilaahi Cismaan Ducaale ka dib markii ay tartanka ka hartay Muna Cali Ibraahim oo la tartami lahayd.