Akhriso Liiska Madaxda Afrikaanka ah ee xabsiyada loo taxaabay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xukuumadda Koonfur Afrika ayaa milateriga geysay goobaha ay ka taagan yihiin rabshadaha ka dhashay xariga madaxweynihii hore ee waddankaas, Jacob Zuma.

Dad mudahaaradaya ayaa boobay isla markaana dab qabad siiyay dhismayaal ku yaal dalkaas, xilli Zuma uu racfaan ku aaddan xarigiisa u gudbiyay maxkamadda u saraysa Koonfur Afrika.

Rabshadaha oo billowday todobaadkii hore markii uu isa soo dhiibay Zuma ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 qof, halka 200 oo qof xabsiga loo taxaabay.

Zuma oo noqday madaxweynihii u horreeyay ee xabsi loogu taxaabo Koonfur Afrika ayaa loo haystaa musuq-maasuq dhacay xilligii uu dalka xukumayay. Waa uu beeniyay eedeymaha lagu soo oogay.

Haddaba waxaan halkan idiin ku soo gudbineynaa afar madaxweyne oo Afrikaan ah, kuwaas oo qudhooda xabsiga loo taxaabay.

Cumar Al-Bashir (Sudan)

Cumar Al-Bashir

Cumar Xasan Al-Bashir ayaa muddo 20 sano ah xukumayay dalka Sudan. Waxa uu xukunka afgembi milateri kula wareegay sanadkii 1989, isagoo meesha ka saaray dowladdii uu shacabka doortay ee uu hogaaminayay Saadaq Al-Mahdi.

Al-Bashir ayaa 11-kii April 2019 waxaa xukunka ka tuuray milateriga dalkiisa, kadib rabshado muddo socday oo shacabka dhigayeen isla markaana uu dhiig ku daatay.

Bishii December ee sanadkaas ayaa waxaa ay maxkamad ku heshay in uu ku kacay musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay laba sano oo xabsi ah. Waxaa lagu haya xabsi gaar u ah dadka da’da ah.

Maxamed Mursi (Masar)

Maxamed Mursi

Maxamed Mursi ayaa ahaa madaxweynihii shanaad ee Masar. Waxaa si dimuqraadi ah xukunka loogu doortay kadib markii dibedbaxyo ballaaran ay meesha ka saareen Xusni Mubaarak oo muddo xukumayay dalkaas.

Mursi ayaa talada Masar hayay muddo sanad ah (30-kii June 2012 illaa 3-dii July 2013) kadibna waxaa afgembi milateri xukunka kala wareegay Jeneral Cabdul-Fattah Al-Sisi oo ahaa wasiirkiisa gaashaandhigga.

Mursi ayaa 17-kii June 2019 ku geeriyooday maxkamad ku taal Qaahir xilli loo ballansanaa dhegaysiga kiiskiisa.

Xukuumadda al-Sisi ayaa ku eedaysay Mursi in uu amray in taageerayaashiisa ay laayaan dad rayid ah oo uu kamid yahay weriye.

Charles Taylor (Liberia)

Charles Taylor

Charles Taylor oo dalka Liberia hogaaminayay 1997-2003 ayaa hadda ku xiran xabsiga HMP Frankland ee ammaankiisa aad loo ilaaliyo oo ku yaal meel u dhaw magaalada Durham ee Ingiriiska.

Bishii April 2012 ayaa maxkamad gaar ah waxa ay ku heshay 11 dembi oo lagu soo oogay ayna kamid yihiin argagixin, dil iyo kufsi. Bishii May ee isla sanadkaas ayaa waxaa lagu xukumay 50 sano oo xabsi ah.

Laurent Gbagbo (Ivory Coast)

Laurent Gbagbo

Madaxweynihii hore ee Ivory Coast, Laurent Gbagbo, ayaa ku dhawaad 10 sano ku qaatay maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dagaal sokeeye oo waddankiisa ka dhacay oo ka dhashay markii uu diiday in looga guulaystay doorashadii dhacday 2010.

Maxkamadda ayaa Gbagbo sii deysay sanadkii 2019, kadib markii ay ku wayday eedeymihii loo haystay.

Waxa uu dib ugu laabtay oo hadda uu ku nool yahay dalkiisa Ivory Coast.

Source BBC