Akhriso Magacyada:- Baarlamanka Galmudug oo doortay 6 ka mid ah Senatora-da Aqalka Sare.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Baarlamanka Galmudug ayaa goordhoweyd doortay lix Senator oo maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya.

Kursiga koowaad ee uu ku guuleystay Saciid Siyaad ayaa waxaa hadda ku fadhiya guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, waxaana leh beesha Saleebaan ee Habargidir.

Kursiga koowaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Siciid Siyaad Shirwac oo kamid ahaa Golaha Wasiirada Galmudug kadib markii uu u tanaasulay Maxamed Daahir Maxamed oo la tartami lahaa, balse doorashada ka haray.

Kursiga labaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Yuusuf Geella Ugaas oo Afartii sanoe ee la soo dhafay kursigan ku fadhiyay si lamid ah markii uu tartanka isaga haray Daahir faarax fiidow oo mar Wasiir kuxigeen kasoo noqday Galmudug.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Cabdi Axmed Dhuxulow  (Dhagdheer) oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursigaas ku fadhiyay  kadib markii uu tanaasulay Musharax Nuur Xassan Guutaale.

Kursiga Afaraad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Samsam Daahir Maxamud oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursigaas ku fadhiday  kadib markii ay tanaasushay Musharax Farxiyo Maxamed Guurre

Kursiga Shanaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator  Cabdi Xakiim Macalin Axmed oo Afarsii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Golaha Shacabka balse u soo wareegay Aqalka Sare kadib markii ay u tanaasushay Ismahaan Cabdi Xussen.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashadii Maanta ka dhacay Dhuusamareeb ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Duniyo Maxamed Cali  oo Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsaneyd Golaha Shacabka balse u soo wareegtay Aqalka Sare  kadib ay u tanaasushay Musharax Khadra cabdhlahi isxaaq.