Akhriso: Magacyada dadka caanka ah ee ku waxyeeloobay Qaraxii Jowhar

JOWHAR-AYAAMAHA-Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qarax Xoogan oo ka dhacay Maanta barqadii magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabelle,gaar ahaan Hoteel ay degganaayeen mas’uuliyiin iyo xubno hore uga soo shaqeeyey Maamulkaasi.

Qaraxa ayaa lagu beegsaday Hoteelka Nuur Doob oo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada Hirshabelle,waxaa jira khasaaro xoog leh oo naf iyo mid hantiyeed ah.

Hoteelka la weeraray ayaa waxaa degganaa mas’uuliyiin,waxaana jira dad badan oo waxyeelo ay soo gaartay.

Gudoomiye kuxigeenkii hore Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise

Wasiirka Haweenka Hirshabelle Casho khaliif.

Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle cabdi Macalin

Xildhibaan hore agaasimiha shaqada iyo shaqalaha Wasaarada caafimaadka iyo isu duwaha wasaarada caafimadka.

Agaasimha wasaarada Tamarta iyo biyahaI iyo Duq Zeey oo ka mid ah Ahlu beydka Magaalada Jowhar oo isna isha dhaawac kasoo gaaray.