Akhriso Magacyada: Saraakiil ku eedeysan Isku Daygii Afgembi Ee Xafiiska RW Rooble Oo Loo Yeeray

MUQDISHU-AYAAMAHA- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka waxaa uu kaga dalbaday in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta.

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa laga codsaday in Saraakiisha la tuhmayo ay maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 8 Janaayo ay yimaadaan Xafiiska Wasiiro Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan Guddiga baaritaanka.

Saraakiisha lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada.

uddiga uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay baarista dhacdada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen iyo cida soo agaasintay, iyagoona laga sugayo inay soo saaraan Warbixin ku aadan baarista.

Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeysay dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib shaqo joojin Rooble lagu sameeyay.